Coronavirus Vaccination update by Greg Fell

by | News & Events

Greg Fell, Director of Public Health in Sheffield, looks at how the next few months may look for Sheffield and how restrictions would continue through the winter into spring. He goes through Sheffield’s continuing objectives and commitments and reinforces the need to maintain all the measures in place – hand washing, distancing, face coverings, bubbles, testing etc. – to reduce the potential of infection spreading .   WATCH VIDEO

Below is the summary of key points in Somali

Coronavirus – FariintaTalaalka   oo Soomaali ah                                          

Magacaga waa Greg Fell. Waxaan ahay Agaasimaha Caafimaadka Guud ee Sheffield. Fariintan kooban waxa ku saabsan tahay tallaalada. Tallaalada way bilaabmayaan sida muuqata, waxa aaynu kala soconay warbaahinta. Laba tallaal ayay u badan tahay inay ugu soo horeeyaan. Ka hore waa talaalka ay soo saartay shirkada Pfizer oo aad intiina badan kala socoteen warbaahinta. Ka labaadna waa tallaalka shirkada AstraZeneca . Waa laba tallaal oo kala duwan,waxaana jira weli  waxyaaba badan oo ku saabsan aqoonta xaga dhakhtarnimada oo aan  kala caddaan iyo weliba sida loo isticmaalayo.

Dhowr arrimood ayaan rabaa inaad sheego. Inta aan ka warqabo labada shirkdood midna may u gudbin waraaqihii codsiga MHRA oo ah hay’adda bixisan liisamada dawooyinka. Sida awgeed ilaa hadda tallaalada liisankii dawooyinka lama siin. Waxay tahay in intaynaan isticmaalin talaalada waa inay soo maraan habkii lagu siinayay liisamada oo ay bixiso hay’adda MHRA. Waxaan filayaa inaanay jiri doonin talaal sida u badan oo cid la siiyaa inta sanadkani lagu jiro 2020. Sidaan u arko waxa jiri doonaan talaal aad u kooban.

Qayb ka mid kooxada ila shaqaysa, gaar ahaan NHS, ayaa si baaxad leh uga shaqaynaya qabanqaabadii sidii dadka loo gaadhsiin lahaa tallaalka si sida ugu degdega badan ee suurtagal ah loo gaadhisiyo dadka  marka ay timaado tira badan oo talaali. Waxaa immika la diyaarinayaa habkii tallaalka muddada ugu yar dadka lagu gaadhsiin lahaa, waana hawl habeen iyo maalin laga shaqayano hadda. Sida aan u malaynayo, waxa laga yaaba inay inugu qaadato seddex ilaa lix bilood in bulshada la wada talaalo. Guddida(JCVI Covid vaccine) ee qaabilsan talaalista ayaa samaysay jadwalka sida dadka loo kala hor talaalayo waxaanad si fudud uga helaysaa bartooda internetka (website) hadaad raadiso.

Halka laga bilaabi doono talaalku waa guryhaha lagu daryeelo dadka waaweyn  (care homes) iyo dadka ka shaqeeya. Arrintaana waxa lagu sababeeyay  in ay yihiin dadka ugu nugul marka la eego u dhimishada cudurkan. Waxaa ku xigi doona shaqaalaha NHS iyada oo ay arrintaa sabab u tahay in la rabo in shaqada NHS ay socoto. Waxa ku xiga  shaqaalah adeegga bulshada (social care) sababtoo ah arrima badan ayay lagama maarmaan u tahay in ay shaqadoodu socoto.

Bulshada waxa loo kala hor talaalayaa iyada oo mudnaanta la siinayo sida loo kala weyn yahay sababtuna waxay tahay cudurka oo halis ku ah qofba qofka uu ka weyn yahay. Weli xogta ma wada ogi laakiin waxan filayaa in si macquul ah loo diyaariyay.

Waxaan bilaabi doonaa qiyaastii ka hore ciida Chrismaska, iyada oo lagu bilaabi doona tira aad u kooban laakiin marka talaalku yimaado Christmas ka dib si baaxaad la oo degdega ayaa loo bilaabi doonaa.

Maxaynu ka og nahay talaalka? Cilmi baadhistan lagu sameeyay  waxa ay ku saabsan yihiin calaamada cudurka.  Laakiin weli ma ogin saamaynta oo talaalku ku yeelanayo si  faafida cudurka.

Xasuusnow, waxay qaadanaysaa 28 casho oo laga bilaabo marka qofka la talaalo si uu sameeyo jidhku difaac markaas ayayno waxa ka ogaan karnaa xog dhab ah oo ku saabsan faafida cudurka. Sidaan u arko  saamaynta faafida lama ogaan karo ilaa dad tiro badan la talaalo. Sidaa awageed waxaan marka hore  xooga saaraynaa in la talaalo dadka cudurka u jilicsan.

 Qodabka ugu danbeeya,  haddii labada talaalba  ay soo baxaan, waxaynu si weyn u fulinaynaa ku dhakhsashada talaalida dadka.

 Haddaan soo kobo, talaalkii wuu bilaabmayaa, waxayaabo aan weli caddayn ayaa jira, haddii labada shirkadoodba helaan liisanka talaalka, si dhakhso ah ayaa loo samaynayaa, waxaanan filayaa inay inugu qaadan doonto seddex ilaa lix bilood in bulshada oo dhan la wada talaalo. Waxaynu u samayn doonaa arrintan sida ugu dhakhsah badan ee aynu u samayn karo.

 Transcript of Sheffield City Council Public Health message about Coronavirus, uploaded on YouTube 20th November 2020

 

0 Comments